Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kale iibsiga :-
Tababaraha cusub ee man united Ruben Amorim ayaa kala hadlay suurtagalnimada in Daafaca Sporting ee Ousmane Diomande uu kula midoobo Manchester United (Metro).
Virgil van Dijk ayaa Liverpool ka helay PROPOSAL rasmi ah oo qandaraas cusub ah, The Athletic ayaa warin Wali wax heshiis ah lama gaarin, wax go'aan ah iyo wax ka soo baxay midna ma jiro. Weynu la socon doonaa . 👀
Sida laga soo xigtay shabakada ciyaaraha ee Diario Sport, Barcelona ayaa ogolaan karta xitaa €20M oo BID ah Frenkie de Jong bisha July.
Laakiin real madrid ayaan doonayn inay bixiso 30 million oo lagu burburin karo heshiiska laacibkan. Sidoo kale kooxda real madrid waxaa lalal xidhiidhinayaa difaacoodi hore ee sergio ramos oo free lagu heli karo sida ay qorayeen saxaafada ciyaaraha ka faaloota.
Barcelona iyo Manchester United ayaa doonaya Alphonso Davies todobaadyadii ugu dambeeyay... laakiin ma aysan helin jawaabta ay doonayeen , sida ay muujinayso Marca.
Ciyaaryahanka Davies waa mid ku adeg doonista uu doonayo kooxda cadcadka : Real Madrid.
Real Madrid ayaa ku qanacsan in Trent Alexander-Arnold uusan heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda Liverpool... sida ay maanta qortay shabakada Warbixinada ee Marca .
Liverpool ayaa bartilmaameed ka dhigan doonta weeraryahanka Eintracht Frankfurt Omar Marmoush si uu noqdo bedelka Mo Salah. (GiveMeSport).
Janothan Tah ayaa la sadaalinayaa inuu ku biiro xagaagan kooxda barcelona wakiil xor ah , sida uu soo wariyay ferbrisio romeno xidhiidhka wakiilka laacibka iyo deco oo ah mid aad u wanaagsan kooxda barcelona ayaa doonaysa inay xoojiso difaaceeda dhexe xilli ciyaareedka soo socda , 28 jirkan ayaan u ah bartilmameed .
Milos Kerkez waa mid ka mid ah saddexda musharax ee difaaca bidix ee ay doonayso kooxda Manchester United 2025.
Paris Saint-Germain ayaa lagu wadaa inay heshiis cusub oo waqti dheer ah ku soo bandhigto Vitinha oo ka mid noqonaya Furaha mashruuca PSG iyo saxiixa kale oo lagu soo dari doono oo heersare ah, Vitinha ayaa saxiixi doona ilaa June 2029 mushaar badan oo ku qaadan doona Paris... Dhamaan waa la isku raacay waxaana lagu wadaa in si rasmi ah loo dhameystiro, si la mid ah Hachraf Hakimi iyo Nuno Mendes: shan sano oo dheeraad ah.
Achraf Hakimi ayaa heshiis cusub oo waqti dheer ah u saxiixay Paris Saint-Germain! .Heshiisku wuxuu ku egyahay ilaa Juun 2029 iyadoo mushaarka loo kordhiyay , PSG ay u aragto Hakimi mid muhiim ah hadda iyo mustaqbalkaba .
Javier Mascherano ayaa hadda lagu dhawaaqay inuu yahay tababaraha cusub ee Inter Miami .
Real Madrid ayaa dalabyo badan ka heshay xagaagii hore Arda Güler marka loo eego ciyaaryahan kasta oo ka tirsan kooxda real madrid haatana ciyaaryahanku wuxuu ku dhibaatoonayaa kooxda cadcadka
Sergio Ramos ayaa isku soo bandhigay Real Madrid todobaadkan, wararka El Chiringuito.
Perez iyo Jose Angel Sanchez waxay dhaheen MAYA.
Waxay dhaheen MAYA dhammaantood, sid ay qortay shabakada wararka ciyaaraha ee Marca.
Manchester City ayaa diyaar u ah inay bixiyaan lacag dhan €60m oo lagu sii daynayo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Martin Zubimendi [ Mirror Football] .
“Rafa Leão wuxuu aqbali doonaa dhaqaaqista Barça isagoo indhihiisa ay xidhan yihiin ”, Toni Juanmartí ayaa ku qoray Sports.
Real Madrid ayaa go'aansatay inay si dhow ula socon doonto Aymeric Laporte oo ah magaca ugu weyn ee liiskooda si ay u bedesho Éder Militao, sidaas waxaa qorey wargeyska Diario AS.
Jonathan Tah ayaa loo soo bandhigay Real Madrid laakiin kooxda ayaa DIIDAY, wergayska Marca.
Ciyaaryahan koox yar uciyaara oo score ka dhigay horyaalka primier league :-
Justin Kluivert ayaa hadda noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda Premier League ee dhaliya hat-trick penalty , isagoo dhaliyay ciyaartii ay kooxdiisu natiijo 4:2 ah kaga badisay kooxda wolves.
Jose mourinho oo ereyo ku duray cristiano Ronaldo :-
José Mourinho ayaa yidhi mar uu ka hadlayay Ronaldo“Cristiano Ronaldo MA imaan doono kooxda Fenerbahçe taasina Ma dhacayso" Waxaan haystaa saddex weeraryahan oo fiican umana baahni mid kale sida y.En nesyeri , seint maximin dusan tadic.
“Cristiano mar walba wuxuu ahaan doonaa Cristiano, laakiin ma doonayo in heshiiskan dhaco sababtoo ah waxaan ku qanacsanahay weeraryahanadayda kooxdayda ”. “Cristiano wuxuu haystaa lacagta uu ka sameeyo Sacuudiga, hadafkiisuna waa inuu gaaro 1000 gool. Maxaa ku dhiiri galin kara inuu yimaado Türkiye, oo aan ka ahayn quruxda Istanbul? .